Magaalada Brussels ee wadanka Biljamka waxaa Maanta kulan ku yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo madax sare oo ka tirsan Midowga Yurub.
Shirkaan ayaa waxaa  Soomaaliya oo ka mid ah Wadamada IGAD u metelayay Wasiirk Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Xubno la socda.
Kulankaas oo ay la socdeen kulamo kala duwan oo Gooni gooni ah ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay Xiriirka wadar geesoodka ee ka dhexeeya Midowga Yurub iyo xiriirka laba geesoodka ee dal kasta kala dhexeeya Midowga Yurub.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka