Kulan loogu magac daray Bandhiga wajiga koowaad ee kunka dhalinyaro Shaqa abuurka uu ugu sameynayo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho
Gudoomiyaha Gobolka Banadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo kuxigeenadiisa ayaa madasha ku sugan waxaana gudoomiyaha uu ka hadlay ujeedka bandhiga oo uu sheegay in ay tahay turxaan bixinta hanaanka qorshahan loo maareenayo su’aalo ayaana laga weediinayaa shaqo abuurkan kunka dhalinyaro qaabka loo qeebinayo qarashka shaqaalahaa lasiinayo halka uu ka imaanayo.
Su’aalahaan ayaa waxa weydiinaya 50-dhalinyaro oo kamid ah dhalinyarada Muqdisho kuwaa oo daahfurkaan koowaad lagu casuumay
Qorsha shaqa abuurka kunka dhalinyarada ah ayaa socon doona mudo  lix bil ah.
Hoos Ka Dawo Sawirada