Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray Wafdi ka socda Maamulka Somaliland, kuwaasi oo sida gargaar loogu talagalay dadkii dhawaan ay saameeyeen fatahaadihii dalka ka dhacay.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa wafdigan uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano,Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha dalka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Wafdiga ka socday Somaliland ayaa waxaa hogaaminayay Sheekh Maxamed Cali Geedi, iyagoona wada lacag dhan 600,000 oo dollar looguna gargaarayo dadka fatahaaduhu ku saameeyeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka .
Somaliland ayaa sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka loo sameeynayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxaana deeqda Maanta ay soo gaarsiiyeen Muqdisho iska soo uruuriyay shacabka iyo culimada ku dhaqan Somaliland.