Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaaliya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay ku simaha Wasiirka Dastuurka Dowladda Soomaaliya ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Abuukaate Xusseen Cabdi Cilmi,waxaana safarkiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya.
Sidoo kale Wafdiga ayaa markii ay gaareen Magaalada Kismaayo waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, Wasiirka Dastuurka Jubbaland,xubno isugu jira Senataro iyo Siyaasiyiin.
Guddoomiyaha Gudiga Dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in sababta ay u gaareen Magaaladaas ay tahay sidii ay ugu qaban lahaayeen Shirar heer qaran ah oo halkaasi ka furmaya.
Waxaa kaloo uu sheegay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid in Kismaayo ay uga qeyb geli doonaan Shirar kala duwan oo looga hadlaayo dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalka.
Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf oo ah Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ay Maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo ay shirar heer qaran ah inta ay ku sugan Magaalada ku qaban doonaan.
Â