Magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xalay waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga ka socday dowladda ee Sacuudiga gaaray ayaa waxaa hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Xaamud Cali Xasan,waxaana Garoonka diyaaradaha Jeddah kusoo dhaweeyay Siihayaha ahna kuxigeenka Ergayga Joogtada JFS u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Mas’uuliyiin kale.
Ujeedka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha u tegay dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ay tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shirkii labaad ee Amniga Cuntada Wadamada Islaamka oo ka furmay Magaalada Jeddah.
Sidoo kale Xaamud Cali Xasan inta uu ku sugan yahay Jeddah ayaa waxaa uu ka qeyb geli doonaa shirka Wasiirada Beeraha Wadamada Islaamka oo ka furmaya halkaas,waxaana soo qaban qaabisay Hay’adda Amniga Cuntada Wadamada Islaamka (IOFS).
Shirka ayaa ka qeyb galaya Siihayaha ahna ku xigeenka Ergayga Joogtaada u fadhiya Soomaaliya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Mudane Cabdiraxiin Cusmaan Cilmi iyo Xoghayaha Koowaad ee Ergada Joogtada JFS u fadhiya Ururka iskaashiga Islaamka (OIC), Mudane Maxamuud Cumar Maxamuud.