Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa gaaray Gudoomiyaha Guddiga Gaarka Arrimaha Sharciga Doorashooyinka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay.
Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa markii uu gaaray Guddoomiye Cabdullaahi Abuukar Xaaji waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno kale.
Intaas kadib ayaa Wafdiga waxaa loo galbiyay Xaruunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed,halkaas oo ay kulan kula qaateen Gudoomiyaha Baarlamaanka koonfur galbeed Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye Cabduqaadir Shariif Maye,isla markaana uu Gudoomiyaha Guddiga Gaarka Arrimaha Sharciga Doorashooyinka Baarlamaanka uga mahadceliyay socdaalka ay ku yimideen Baydhabo.
Dhinac kale Guddoomiye Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa waxaa uu ka warbixiyay Ujedada ay usoo gaareen Magalada Baydhabo,wuxuuna Sheegay in ay kulamo la qaadan Doonan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.