Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaano hoostaga ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii la soo dhaafay fatahaad uu ku sameeyay Wabiga Shabeelle.
Xaafadaha ka tirsan Degmada Afgooye ee ku fatahay Wabiga waxaa kamid ah Baan-guri iyo damaley, isla markaana waxaa biyaha Wabiga uu saameeyay dad u badan Beeraleey.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo kormeer ku tegay goobaha uu ku fatahay Wabiga ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan dadaalo lagu xirayo biyaha Wabiga Shabeelle ee kusoo fatahay Afgooye.
Sidoo kale Guddoomiye Najax ayaa waxaa uu u tilmaamay inay xireen ilaa 4 meel oo biyaha Wabiga ay soo jabsadeen, isla markaana uu weli socdo gurmad xoogan.
Waxaa kaloo Guddoomiye Najax ugu baaqay Guddiga Gurmadka dowladda Federaalka iyo kan Koonfur Galbeed inay ka qeyb qaatan gurmadka loo saameynayo dadka uu Shabeellaha Hoose ku saameeyay fatahaada Wabiga.
Si kastaba saacadihii la soo dhaafay Gobolada ayaa waxaa siweyn uga da’ay roobka deyrta, waxaana deegaano badan uu dhigay biyo, iyadoona dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen.