Wakaalladda Wararka Turkiga ee  ANADOLU NEWS AGENCY  ayaa sheegtay inay Dowladda Turkiga u soo dirtay DFS 450 Qoryaha Fudud ee Casriga ee MPT-76, kuwaasi oo lagu farsameeyo Turkiga.
Hubkaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanka DFS u adeegsan doonaan Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.
Qoriga MPT-76 oo la sheegay inuu u muuqaal eg yahay una dhigma Qoriga M 16 ee lagu farsameeyo Maraykanka, waxayna Khubarada sheegeen inuu wax ka dili karo ilaa 600 oo mitir.
Waxaay kaloo sheegeen in Qorigaasi  halkii ilbiriqsi laga ridi karaa 700 ilaa 800 oo xabbadood.
Deeqda Hubka loo soo diray Somalia ayaa timid, xilli uu Madaxweyne Farmaajo ka codsaday Beesha Caalamka in DFS laga taageero La-dagaalanka Alshabaab.
Sawirro