Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) taliyaha Cusub ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa Maanta Muqdisho kulan kula qaatay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Kulankaan ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Jooga Soomaaliya Cismaan Nuur Subagle iyo Saraakiil kale.
Julanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay xaalada amni ee dalka ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyo diyaar garowga Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo sidii loo tayeyn lahaa.
Cismaan Nuur Subagle taliyah Ciidamada AMISOM ayaa kulanka ka sheegay in ay u diyaar garoobayaan sidii ay dalka Soomaaliya ugu bixi lahaayeen markii la gaaro Sanadka 2018,dadka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa isna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay AMISOM kala wareegaan sugitaanka Amniga balse dhankooda laga doonayo ka qeyb qaadashada dib-udhiska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.