Taliyaha cusub ee Ciiddankaasi, oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto Michael Kabano waxa uu si rasmi ahaan xilka ugala wareegey Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Sarreeye GuutoPaul Lokech, kaasi oo dhamaystay waajibaadka Xilli-sannadeedka Taliyenimo, waana markii 2-aad ee uu dhamaysto Xilkaasi, isagoo horey Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM madax u ahaa sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii.
Munaasabadda uu Taliyaha cusub ee Uganda ka jooga Somalia xilka kula wareegayey waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda, Sarreeye Gaas Peter Elwelu,waxaana Munaasabadaasi lagu sii sagootiyey Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda, kuwaasi oo la filayo inay maalmaha soo socda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii 2-aad ee Taliyaha cusub ee Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia, Sarreeye Guuto Michael Kabano ka hawl-galo Somalia, wuxuuna ka mid Kooxdii 2-aad ee Ciiddankii Uganda ee ugu horreeyey ee Somalia yimid sannadkii 2008-dii, wuxuu kaloo ahaa U-qeybsanihii dhinaca Milliteriga ee Safaaradda Uganda ku leedahay magaalladda Muqdisho.