Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko†ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Djibouti Soomaaliya Danjire Aden Hassan Aden.
Kulankaas waxaa ku sugnaa taliye kuxigeenka ciidanka Booliska S/guuto Siciid Ahmed Kadiye iyo saraakiil kale, Taliyaha Ciidanka Booliska S/gaas Bashir Abdi Maxamed ayaa safiirka uga mahadnaqay booqashada uu ku yimi Taliska Ciidanka Booliska Somaliyeed sidoo kale ku amaanay sida Dalka aan walalahanay ee Djibouti u garab taagan yihiin iyo walalnimada qotada dheer ee ka dhaxaysa sida Hiil walal, sidoo kale garab istaaga ciidanka siiba ciidanka booliska oo ay tababar iyo aqoon kororsiba ka caawiyaan.
Sidoo kale Safirka dawlada Djibouti ee Soomaaliya Aden Hassan Aden ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo dhamaan ciidanka booliska ku amaanay dadaalka ay wadaan iyo horu socodk ballaaran.
Intaas ka dib Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Safiirka ayaa waxay soo mareen dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay Taliska Ciidanka Booliska sidoo kale waxay kormeer ku tageen xarumaha ooto ooto, xarunta baadhista danbiyada (C.I.D), Madiina Hospital iyo xarunta agoonta ee carurta Ciidanka Booliska Soomaaliyed.
Safiirka Dawlada Djibouti Aden Hasan Aden ayaa mahadnaq ballaaran u soo jeediyey quruxda iyo dadaalka badhaan ee ka muuqda dhamaan waaxaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu hormuud u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyed S/gaas Bashiir Abdi Maxamed “Ameeriko”