Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed S/Gaas Abdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta dib u furay waaxda faraha ee Hoggaanka Dembi Baarista ee CID-da taasoo oo muddo xirneed ka dib cabasho ka timid shacabka.
Munaasabadda furitaanka Xarunta Cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddomiyaha Maxkamadda Sare, Guddomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho, Xeer-Ilaaliyaha Qaranka, Guddomiyaha Maxkamadda Gobolka, Agaasimaha Guud Wakaalada Dhismaha, Gudomiyaha Hooyoyinka G/Banadir, Xildhibaano labada aqal, saraakiil iyo marti sharaf kale.
Taliyaha Ciidanka ayaa sidoo kale sarkaal cusub u magacaabay waaxda faraha waxaana la diyaariyay hab cusub oo lagu qaadi doona faraha laguna heli doona warqada dembi la’aanta.
“Shacabka Somaliyeed waxaan ugu mahad celineenaa dulqaadka ay muujiyeen muddada ay xirneed Waaxda Faraha iyo sida wanaagsan ay noogu soo gudbiyeen cabashadooda. Taliska Booliiska waxuu mar walba diyaar u yahay ka jawaabista cabashada shacabka Somaliyeed iyo wadashaqeyntoodaâ€ayay tiri Zakia Xuseen Axmed oo war qoraal ah soo dhigtay Barteeda Facebook.