Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Shabeellaha Dhexe Aadan Yaroow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xariga ay ciidamada Booliiska Magaalada Jowhar u geysteen Wariye Cabdi Shakuur Shaashaa oo ah Milkiilaha Idaacadda CityFm ee M/Jowhar .
Adan Yaroow ayaa sheegay in Wariyaha aanan loo xirin fal la xiriira Saxaafadda balse lagu soo eedeeyay in uu musuq maasuqay lacago deeq ah oo uu aruuriyay taas oo loogu talo galay dadkii ku waxyeelabay qarixii Zoobe.
Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in ay Wariye Shaashaa ku socoto baaris isla markaana dhawaan ay maxkamada horkeeni doonaan.
Intii uu socday shirka Jaraa’id ayaa waxa ay soo bandhigeen Sawirro muujinayo isaga oo lacag u aruurinaya dadkii ku waxyeeloobay qarixii Zoobe ka dhacay 14,kii Bishii Octooper ee Sanadkii tegay ee 2017.
Wariye Cabdi Shakuur Shaasha oo ah sidoo kale Wakiilka Tv-ga RTN ee Shabeellaha Dhexe ayaa la xiray 1,dii Bishaan Janaayo iyada oo la sheegay in amarka lagu xiray ay bixiyeen masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hoos ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.