Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Muqdisho Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Xiriiriyaha QM isla markaana ah Iskuduwaha arrimaha bani’aadannimada ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Mudane Adam Abdelmoula, waxa uu kala hadlay xoojinta dadaallada lagu doonayo in lagu sameeyo iskaashi waxgal leh iyo taageero hey’ad si kor loogu qaado heerka gargaarka bani’aadannimo iyo barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya.
QM ayaa Soomaaliya ka taageerta arrimo badan oo ka midyihiin arrimaha Bini’aadinimadda iyo homarinta kaabayaasha muhimka ah waxaana labada dhinac isku bogaadiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay u wada shaqeynayaan.