Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Dr. Axmed Abul-kheyt waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federalka Somalia, Drs. Fowzia Abiikar oo maalmahan booqasho hawleed ku joogtay magaalladda Qaahira.
Dr. Axmed Abul-kheyt waxa u umar kale xaqiiyey inay Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ka go’an tahay inay is-garab taagaan Hoggaaminta Somalia, Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay si iwadi doonaan dhamaan taageero kasta oo muhiim u ah in lagu taageero Somalia.
Dhinaca kale, Wasiirada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federalka Somalia, Drs. Fowzia Abiikar oo ka hadashay Kulankaasi waxay soo dhaweysay Taageeradda Dowladaha Carabta siiyaan DFS, gaar ahaan Hawlaha lagu horumarinayo Adeegyadda Caafimaadka ee dadka Soomaaliyeed.
Waxay kaloo Dowladaha Carabta ku ammaantay dadaalkooda ku aadan sidii Somalia looga taageeri lahaa in laga cafiyo Daymaha lagu leeyahay.
Danjire Maxamuud Cafiifi oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta waxa uu tilmaamay in Kulankaasi looga hadlay qaababka ugu wanaagsan ee lagu xoojin karo Taageeradda kala duwan ee ay Dowladaha Carabta u fidiyaan Somalia.