Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka furmay Shirweynaha Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Xeer ilaaliyaasha dowlad Goboleedyada dalka  sida Jubbaland,Hirshabeelle,Puntland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed,kaasi oo socon doona Muddo Seddax maalmood.
Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa hadli doonaa habka xeer ilaalinta guud ahaan Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wadshaqeynta iyo Iskaashiga xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.
Sidoo kale inta uu shirka socda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed iyo Xeer Ilaaliyah Guud ee qaranka Dr.Axmed Cali Daahir.