Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow oo Caawa ah waxaa si rasmi ah uga furmi doona shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug.
Hoolka uu ka furmayo Shirka ayaa waxaa ku sugan dhammaan Ergooyinka kala duwan ee ka qeyb galay iyo Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Dhuusamareeb ka furi doona shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi loogu gogol xaarayo dhismaha Galmdugu loo dhanyahay.
Sidoo kale Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyn doonaa beelaha deegaanada Galmudug,isla markaana waxaa markii uu soo dhamaado Shirka laguda geli doonaa sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.
Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Caawa siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda ee loo yaqaano harmacad iyo kuwa AMISOM oo dhawaan halkaas la geeyay.