Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa maalintii labaad ka socda Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Bayle,waxaana sidoo kale ka soo qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota dowladdo kale.
Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa sheegay in Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ay ku qanacday dhammaan sidii aan uga soo baxnay shuruudihii SMP3,isla markaana waxaa uu Rajo wanaagsan ka muujiyay in uu guul ku soo dhammaan doono Shirkaas.
“Waxaa maalinkii 2aad inoo socda Shirka dib u eegista Barnaamijka sadexaad ee Deyn Cafinta Soomaaliya (SMP3) ee aan la leenahay Hey’adda lacagta aduunka ,IMF way ku qanacday dhamaan sidii aan uga soo baxnay shuruudihii SMP3, waxaana rajeyneynaa in uu guul noogu soo dhamaadoâ€ayuu yiri Wasiir Beyle.
Shir looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya ayaa shalay waxaa uu ka furmay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.