Muqdisho Waxaa Goordhow  ka furmay shir looga hadlayo sidii xal loogu heli lahaa Qaxootiga Soomaliyeed ka soo laabanaya dalka dibaddiisa iyo waliba sidoo kale xal u helida kuwa ku barakacay Gudaha dalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya buukaate Mahdi Maxamed guuleed iyo Wasiirka Arrimaha gudaha  Cabdi Faarax siciid Juxa,waxaana sidoo kale ka qeybgalaya Wakiilo ka socda Maamulada dalka ka jira iyo Hay’addaha Qaramada Midoobey.
Shirkaan aya waxa uu socon doonaa mudo Saddex Maalmood ah,waxaana halkaasi khudbado kala duwan halkaasi haatan ka jeedinayay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa fulineysa Wasaaarada rrimaha Gudaha Soomaaliya,waxana qaban qaabadeeda leh hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.
Sawirro