Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo saakay ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir, kaasi oo la sheegay inuu Khasaaro dhaawacyo ah geystay.
Shilkaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo ah nooca Soomaalida u taqaano NOHA iyo Leyla Calaawi ah, wuxuuna uu sigaar ah uga dhacay agagaarka daarta Soomaali Poosto ee Degmada Yaaqshiid.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in labada gaari ay isku dhacay ay ku socdeen xawaare Sare ah, isla markaana ay ka yimideen Gobol, waxaana la socday dad shacab ah.
Ugu yaraan laba ruux oo la socday mid kamid ah labada baabuur ayaa dhaawac uu kasoo gaaray Shilka, iyadoona si deg deg loogu qaaday Xarun Caafimaad, waxaana gurmad u sameeyay dad xiligaas goobta ka Agdhawaa.
Wadooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca shilal geysta Khasaarooyin kala duwan, waxaana inta badan loo sababeeyaa Darawalada oo si xawaare sare ah u wada gaadiidka.