Sida la xaqijiyay 5 ruux ayaa geeriyootay  kadib markii ay isku dhaceen laba Helecopter  oo ah nuuca ay malateriga isticmaalaan oo laga leeyahay dalka Faransiiska.
Booliska Faransiiska ayaa sheegay in labada helicopter loo yaqaan “Gazelle”, oo labaduba ay ka mid ahaayeen duulimaadka Milatari ee Esat ee ku yaalla meel u dhaw Le-Cannet-des-Maures, ku dhex dhaceen aagga tuulo u dhaxeeya magaalooyinka yar yar ee Cabasse iyo Carces, oo ku dhowaad 30 mayl kaga began waqooyi-Galbeed ee magaalada ee Saint-Tropez.
Warbaahinta  maxalliga ah ee dalkaas ayaa sheegay in hawlgal baadi goobid iyo samatabbixin ah ay socoto si loo helo rakaabkii saarnaa Diyaaradaha, laakiin shan qof oo ka mid ah ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen.
Laba Gaari oo nooca dabdemiska ah ayaa loo diray goobta, oo ay weheliyaan 50 Askari oo isugu jira Boolis & Milateri.
Saraakisha Booliska  ayaa sheegay in aagga ay diyaaradaha isugu dhaceen ay aheyd goob cidlo ah oo aan cidina deganeyn.
Wasiirka difaaca Faransiiska Florence Parly ayaa la filayaa in uu safar ku tago Goobta ay mashaqada ka dhacday Jimcaha Maanta Waxa uuna shaaca ka qaaday in “murugo weyn” ay ku noqotay markii uu shilku dhacay sida uu soo dhigay Bartiisa  Twitter-ka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Diyaaradaha isku dhacay.