Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Maanta kulan qado sharaf Xarunta Madaxtooyada Galmudug ugu sameeyay 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyay Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.
Kulanka u dhexeeyay Sheekh Shaakir iyo Xildhibaanada Ahlusunna Waljameeca ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay u diyaar garoowga Arrimaha Doorashada Galmudug ee la filayo in dhawaan ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb iyo arrimo kale.
Sidoo kale Madaxa Xukumadda Galmudug ayaa 20-ka Xildhibaanka kula dardaarmay inay si daacada ugu adeegaan Bulshada ku dhaqan deegaanada maamulka Galmudug.
Shalay ayaa lagu waday in Munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyo Xildhibaanada Ahlusunna ee dhawaan lasoo Bandhigay, hayeeshee Ciidanka dowladda Federaalka ayaa gebi ahaan joojiyay.
Dhinaca kale Ahlusunna ayaa ka hortimid shuruudihii kamid noqoshada Xildhibaanada Galmudug oo ay soo saareen Guddiga Doorashada, iyagoona sheegay in wax shaqo ah aysan ku laheyn Guddiga 20-ka Xildhibaan ee dowladda Federaalka siisay.