Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Adan ayaa Maanta waxa uu xariga Ka jarey Madaxatooyada Cusub ee maamulka Koonfur Galbeed uu ku yeeshey Magalada Baydhabo waxana munaasabada xarig jarka ka  qeybgaley masuulyiin Ka socoda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Gudoomiyah Baarlamanka Koonfur Galbeed, wasiiro Odayaal iyo Ururada Bulshada rayidka Ku Nool Magalada Baydhabo.
ugu Horeyn waxaa Munaasabadaas ka hadlay Masuulyiin Ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xafiiska Ra”iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdullaahi Xaamud waxana ay Sheegeen in ay tani qeyb ka  tahay hoorumrka uu kusameeyay Maamulka Koofur Galbeed.
Ugu dambeyn Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegey in maamulka wixii bari ka Bilaawdo uu ku howlgali doono Madaxtooyadan Cusub ee Maanta xariga laga jaray.
Madaxtooyadan ee Cusub ee laga dhisay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay ka kooban tahay 25 xafiiis iyo Howl waaweyn oo shirarka loogu talo galay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada