Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta dib ugu soo laabtay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo safar ugu maqnaa qaar ka mid ah Wadamada Carabta.
Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhweeyay msuuliyiin isugu jira Xildhibaano, Wasiiro iyo sidoo kale qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Baydhabo.
Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee uu Maamulku ku Shaqeeyo ee Magaalada baydhabo ayaa inatasi kadib la geeyay waxa uuna sheegay in uu jiro khilaaf ka dhexjira qaar ka mid ah madaxda Maamul goboledyada.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo waayadaan Warbaahinta la hadlayay ayaa wax ay sheegeen in ay mooshin xilka qaais ah ka wadaan Maaxweyne Shariif in kastoo ay jiran xilhibaano taagersan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada