Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa Maanta shir gudoominayay Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxana inta badan looga hadlay amniga deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii loo xoojin lahaa.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbed Nuuradiin Gacma ayaa Dalsan u sheegay in kulanka Maanta uu ka duwanaa kulamadii hore isla markaana siweyn loo lafa guray Arrimaha Amniga.
Madaxweyne Shariif Xasan oo Maalma kadib dib ugu laabtay Baydhbo ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay safarkii dhowrka Maalmood qaatay ee uu ku tegay dalka Jabuuti.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Gordhowna la socda Codka Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.