Waxaa bilaawday rakibaada Qalabkii lagu Maamuli lahaa Hawada Soomaaliya taas oo hada ka socota Xarunta Saadaasha iyo Duulista Hawada ee Gudaha Magaalada muqdisho kadib markii dhawaan Qalabkaas la keenay Soomaaliya.
Hawada Soomaaliya oo aan weli maamuliideeda lagu wareejin dowladda Soomaaliya ayaa Qalabkaan ka saacidi doona la socodka iyo Maamulida Hawadeeda,waxana Soomaaliya ka caawiyay dalalka gacanta ku haya Maamulida Hawada dalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay inay bilaabatay rakibaada qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya, islamarkaana ay meel fiican hada mareyso howsha.
Tan iyo Burburkii dalka mudo ku dhow 27 sano ayaa waxaa Hawada Soomaaliya Maamulaya Hay’addo hoostaga Qaramada midoobay oo ay ka mid tahay Hay’adda ICAO.
Sawirro