Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hinda Jaamac Maxamuud oo ah gabar qortay Buug la Magac baxay Qaran dumis,kulankaas oo ahaa mid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku dhiiragelinayey.
Hinda Jaamac oo kulanka kadib Warbaahinta la hadashay ayaa shegtay in ay aa dugu faraxsan tahay kulankaas,iyo in uu Ra’iisul Wasaare Kheyre akhristay buugii ay qortay.
“Runtii isma laheyn Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed ayaad la kulmeysa balse tan waxa ay cadeyneysaa inaysan jirin madax isla weyn,waxaana hadda heysanaa madax ka shaqeyneysa nabada iyo horumarka dalka,buuga aan qorayna waxaan ugu talo galay in Soomaaliya la mideeyo lana saxo qaladaadkii dhacay.
Waxa ay sheegtay in buugaan aysan u qorin inay wax ku hesho balse uu yahay mid dhalinyarada soomaaliyeed ay ku guubaabineyso inay Nabada ka Shaqeeyaan kuna dhiiradaan horumarinta dalka.
Hinda Jaamac Maxamuud oo ka timid Magalada Ceeri Gaabo ayaa Buuga ay qortay ee Qaran Dumis waxa ay dhawaan ku soo bandhigtay Carwada Bandhiga Buugaagta ee lagu qabtay Magalada Muqdisho,iyada oo xilligaas guddoonsiisay mid ka mid ah Buugaas Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.