Ra’iisul-Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo waxa uu ku tegay xarunta taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Markii uu tegay xarunta waxaa halkaas ku soo dhaweeyay taliyaasha sare ee ciidanka Booliiska iyo ku xigeenadooda,isaga oo intaa kadib qeyb qeyb u kor-meeray dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xaruntu.
Ugu dambeyntii waxa uu kulan la qaatay taliyaasha iyo ku xigeenada ciidanka Booliiska oo uu ugu horeeyo taliyaha ciidanka Booliiska Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar isaga oo ku bogaadiyay shaqada ay bulshada u hayaan.