Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii dhagax dhigay laba dhismo oo lagu wado in laga hirgeliyo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dhismooyinkan, ayaa waxaa loogu talla-galay inay ku shaqeeyan Wasaaradaha Beeraha, Kalluumeysiga iyo Xannaanada Xoolaha. Sidoo kale waxaa la qorsheynaya in Magaalada Kismaayo laga hirgeliyo xarun kale, oo loo qorsheeyay in dhalinta isugu timaado.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa dhagax dhigan ku wehlinayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Bayle, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda iyo Jubbaland.
Bulshada reer Kismaayo, ayaa si weyn u soo dhaweysay booqashada ay magaaladan ku jooggan Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Golihiisa Wasiirada, oo Khamiistii shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaaladaasi.
Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa shirkan uga qabsoomay Kismaayo ku macneeyay mid lagu xoojinayo wada shaqaynta iyo midnimada shacbiga Somaliyeed.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa adkeeyay amniga guud ee Magaalada Kismaayo, iyagoona hakad geliyay isu socodkii gaadiidka iyo dadkaba ee qaybo ka mid ah magaalada.
Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee dalka, ayaa waxaa laga hadalhaya booqashada Golaha Wasiirada Somaliya ku jooggan Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Sawirro