Masjidka isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow Salaad Janaaso  lagula Tukaday Marxuum Cismaan Cali Badmaceeye kaas oo ku geeriyooday dalka Dibadiisa balse manta Meydkiisa la keenay Magaalada Muqdisho.
Salaada Janaasada ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Aqalka Sare, wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo madax xilalal kala duwan dalka kasoo qabtay.
Dhamaan dadkii isugu jiray Masuuliyiinta iyo Ehelada iyo Shacabka kale ee caadidaga ahaa ayaa codsaday  in dhammaan Umadda Soomaaliyeed ay iska cafiyaan Marxuumka.
Daawo ka Daawo Sawirada