Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa Caawa Sinabad ah ugu hoyanaya Magaalada Baydhabo.
Soo dhaweyn kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Caawa lagu soo warinayaa in uu kulamo Baydhabo kula qaadanayo Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Inta uu ku sugan yahay mudane Kheyre Baydhaba ayaa waxaa uu kulano la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqan doona Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed uu ku Shaqeeyo iyo sidoo kale Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ay macquul tahay in Beri Golaha Wasiirada Soomaaliya lagu qabto Magaalada Baydhaba silamid ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.