Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, waxaana R/wasaaraha Xaruntaasi kusoo dhoweeyey Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow  iyo Masuuliyiin kale.
R/wasaare Kheyre ayaa Ujjeedka Booqashada uu ku tagey Xarunta wasaaradda Maaliyadda ayaa ah siddii uu ugu kuur geli lahaa Shaqada Wasaaradda ka socda iyo Hanaanka Shaqo ee Shaqaalaha.
Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhiiri galiyey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku boggaadiyey Howsha adag ee Bulshadda Soomaaliyeed, in ay sii laba jibaaraan ayuuna ugu baaqay.