Xubnaha Garsoonka Ahlusunna Waljameeca ayaa Maanta goob faragaaro ah oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ay xukun Karbaash ah ku fuliyeen rag lagu eedeeyay fal Kufsi ah.
Raggan lagu jeedalay Dhuusamareeb oo ahaa laba ruux ayaa dhowr Bilood kahor fal kusfi ah ka geystay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,isla markaana waxaa gacanta ku haayay Booliska Galmudug.
Ahlusunna Waljameeca ayaa Maanta boqolaal shacab ah isugu keentay Fagaaro ku yaalla Dhuusamareeb, si dadka ay u daawadan Xukunka,waxaana dadka hortooda xukunka ka Akhriyay xubno ka tirsan Garsoonka Ahlusunna Waljameeca.
Sidoo kale Goobta uu xukunka ka dhacaayay ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Galmudug,kuwaasi oo amniga siweyn u sugayay.