Qoyskaan waxyeeladu soo gaartay ayaa degan meel u dhow isgoyska Dabka Wadada ka timaada dhanka Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir,waxana la sheegay in Gaari nooca Xamuulka qaado ah uu ku soo fariin goostay.
Gaariga oo siday Qoryaha Dabka lagu shito ayaa markii uu fariin goystay waxa uu galay gurigooda taas oo keentay in khasaaro farabadan uu u geysto Qoyska oo deganaa guri oo ka sameysnaa Dhagax,isla markaana uu ku soo dumay.
Mid ka mid ah Caruurta Qoyskaas ayaa la la’yahay Ilaa Afar ruux oo Qoyska ka mid dhaawac ayaa gaaray halka Guriga oo cida uu ku dumay laga soo badbaadiyey Hooyada Qoyskaas iyo laba ka mid ah caruurta.sida uu soo sheegayo Wariyaheena Cabdullaahi Xuseen Canshuur.
Goobta shilka gaari uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo Gacanta ku dhigay Darawalkii Gaariga oo doonayey in uu baxsado.
Shacabka deriska la’ah Qoyskaas ayaa gurmad u sameynaya dadka uu guriga ku dimay,waxana baadi goob lagu hayaa mid ka mid ah caruurta Qoyskaas oo weli la’la yahay.