Munaasabad ujeedkeedu yahay Daah-furka Qorshaha Istaraatiijiyada Shanta Sano soo aadan ee Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Isniintii maanta lagu soo bandhigay Xarun ku taalo Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Hogaanka Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka Siyaasiyiin Xubno katirsan Baarlamaanka Federalka iyo Golaha Wasiirada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya Munaasabadaasi.
Madasha ayaa lagu soo bandhigaya Keyd-Xogeedka Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran Istaraatijiyada 5-Sano ee soo aadan.
Gudoomiyaha Gudigaas Xaliimo Yareey ayaa madasha kusoo bandhigeysa Qorsha howleedka ay soo diyaariyeen.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa gaba gabada Munaasabadaas madash ka jeedin doona ahmiyada Xukuumada ee fulinta qorshaha doorashooyinka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Munaasabada.