Saraakiil Boolis oo ka soo kala jeeda dalalka Kenya, Ghana, Nigeria, Uganda, Zambia iyo Sierra Leone ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde, kadib, markii ay dhamaysteen hawlihii ay u joogeen Somalia.
Ciiddankaasi waxay Tababar iyo La-talin siiyeen Ciiddanka Boliska ee DFS muddada 12-ka bilood ee ay qeybta ka ahaayeen Taliska Boliska ee Hawlgalka AMSIOM.
38ΓΒ ka mid ah Ciiddankaasi waxaa Billado iyo Abaalmarino kale lagu guddoonsiiyey MunaasabadΓΒ lagu sii sagootinayey oo shalay lagu qabtay XaruntaΓΒ Ciiddanka Boliska AMISOM ee magaalladda Muqdisho.
Ku-simaha Taliyaha Boliska AMISOM, Kiristine Allalo o oka hadashay Munaasabadaasi waxay sheegtay inay doonayaan inay arkaan Somalia oo wanaagsan, si loogu naalloodo Nabadda iyo Deganaanshaha Gobalka.
Waxay Saraakiisha Boliska ee dhoofayey ku boorisay inay Khibradda ay Somalia ka kororsadeen ku hagaajiyaan xiriiradda Dhaqanka ee dalalka ay ka soo kala jeedaan.