Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga oo gacan wayn kahelaysa  Wasaaradda Caafimaadka ee Dalkaasi Turkiga ayaa si wada jir ah uga soo sagootiyay Bukaanadii ugu dambeeyay ee qaraxii 14kii October ka dhacay Soobe  oo mudo badan lagu dabiibayay Isbitaalo kuyala Dalkaasi.
Bukaanadan oo ka koobnaa 6 ruux ayaa ka soo ambabaxay  Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ankara oo ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga, ayaa lagu wadaa in ay manta soo gaaraan magaalada Muqdisho.
Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa  dadaal dheer ugashay sidii ay ugu kuurgali laheyd Bukaanada,iyadoona u xilsaaratay  Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga C/qaadir Maxamed  Xuseen Barqadle.
Xoghay Barqadle ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay  in dhamaan dhawacyadii soo gaaraay dalka Turkiga dib loogu celiyay muqdisho,iyagoo caafimaad qaba,guud ahaan dhawacyadaas oo ka koobnaa 35 ruux iyo 34 ruux oo la socotay.
Wuxuux intaasi ku draya  Xoghayaha labaad ee Safaaradda ee Turkiga ayaa si wayn ugu mahadceliyay Dowladda Turkiga,kuna amaanay Dowladda Turkiga sida  ay iskugu xilqaantay una caawisay bukaanadii ay wax yeeladu ka soo gaaratay qaraxii 14kii October ka dhacay muqdisho.
Dhaawacyadani oo ahaa dhawaacyadii ugu liitay uguna dambeeyay ayaa waxaa ay kala yihiin.
1.  Axmed Siyaad Cabdi
2.  Liibaan Nuur Cosoble
3.  Axmed Xuseen Warsame
4.  Cabdullahi Cali Maxamed
5.  Laylo Isaq Maxamed.