Maamulka Puntland ayaa Khamiistii manta wareejiyay Dekedda Boosaaso, waxaana lagu wareejiyey Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee lagu magacaabo P & O oo qeybka ah shirkada weyn ee DP WORLD.
Munaasabada  lagu wareejinayey heshiiskaas ayaa ka dhacday magaalada Boosaaso, waxaana ka qeybgalay wasiiro katirsan  Puntland iyo Madaxda DP WORLD.
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saxiixay heshiiska dhismaha iyo dibu habeynta dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo ku kacaya lacag dhan 336Malyan oo Dollar, waxaana la dhisayaa Deked cusub oo dhererkeedu yaahy 450M.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Munaasabada Wareejinta