Taliska hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigay rag badan oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ragga oo gaaraya ilaa iyo 8 Nin ay kasoo goosteen Al-shabaab, isla markaana ay isku soo dhiibeen Ciidanka maamulka Jubbaland.
Sidoo kale qoraalka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in 8-da Nin baaritaano dheer lagu sameeyay, iyagoona markii dambe la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada kasoo goosatay Al-shabaab.
“Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigtay 8 nin oo kamid ahaa Al-Shabaab kuwaas oo isku soo dhiibay Dowlad-goboleedka Jubbaland, waxaa baaris dheer kaddib la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada†ayaa lagu yiri Warka baxay NISA jubbaland.