Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay  laguna maamuusayo 48-guuradii ka soo wareegtay markii la’aas aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka socota xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan.
Madaxda dalka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa Hambalyo ku aadan sanadguurada 48-aad ee aas-aaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed u diray Sareeyeyaasha,Saraakiisha,Saraakiil Xigeenada,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) oo khubad ka jeedinayay Munaasabada ayaa ka sheekeeyay taariikhda ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,isaga oo shegay in ay ciidankaan ka mid yihiin Hay’addaha Garsoorka dalka.
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la aas-aasay 1970kii ayaa waxay qeyb ka yihiin Ciidamada Qaranka uu dalka leeyahay,iyagoona si gaar ah uga howlgala gacan ku heysta Xabsiyada iyo dhaqan celinta maxaabiista.