Waxaa Goordhow Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo degtay Diyaarad siday Maxaabiis soomaaliyeed kuwaas oo mudo ku xirnaa dalka Itoobiya.
Dadkaan ayaa waxa ay gaarayeen ilaa 114 Maxbuus,waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Sooamaliya.
Soo wareejinta Maxaabiistaan ayaa timid kadib markii dalka Itoobiya uu gaaray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,iyada oo ay heshiisyo dhanka Maxaabiista ay wada gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.
Safiirada dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Goobta ku sugnaa ayaa Warabahinta u faah faahiyay qorshaha Maxaabiistaan laga yeeli doono.
Sawirro