Wasiirka Waxbarashada Xukumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaay ka qeyb galeen xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhaxe ee Xamar.
Maxabiistaan oo tiradood gareysa 38-ruux ayaa waxay barteen xirfado kala duwan oo ay ka mid tahay saxaafada iyo computarka oo ay ka barteen iskuulka rajo oo ku dhex-yaal gudaha Xabsiga dhex ee Xamar.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sareeye guud Bashiir maxamed jaamac ayaa wax lagu farxo ku tilmayay in maxaabiis lagu soo eedeyay dambiyo kala duwan taliska ciidanka asluubta ay baraan xirfado mastaqbalkooda wax u tari kara.
Taliyaha ayaa ku dhiirageliyay maxaabiista maanta shahaadooyinka la gudoonsiiyay iney ka waan tooban dambiyada loo heesto.
Qarkamid ah maxaabiista maanta qalinjibiyay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin guusha ay gaareen iyagoo xabsiga ku jira,waxayna uga mahad celiyeen taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo fursadaan siiyay.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay talaabada taliska Ciidanka Asluubta ay qadeen oo ku aadan waxbarashada maxaabiista.
Madaxda sare ee dalka ayaa ku bogaaday taliska Ciidanka Asluubta tallaabooyinka horumarka leh ay ka wadaan xabsiga dhexe iyo Maxaabiista ku xiran.