Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa maanta kulankoodii Khamiislaha ahaa waxa ay ku yeesheen magaalada Garoowe waxaana looga hadlay arrimo kala duwan oo shirka la iskula soo qaaday.
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Hindise Sharciyeedka Xeerka Dugsiyada Qur’aanka, Fidinta Adeegyada Ganacsi iyo kordhinta Dakhliga, Bandhiga Qorshaha Warbaahinta iyo qodobo kale.
Ugu dambeyntii Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada maamulka Puntland ahna afhayeenka madaxtooyada ayaa warbaahinta kala hadlay kulanka iyo waxyaabaha sida gaarka ah la iskula soo qaaday.