Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Malaysia Ambassador Abukar Abdi Osman “Mardaadi†oo u wehliyo Xoghayaha Sadexaad Mr Aweis Abshir Dirie iyo qaar ka mid ah howlwadeenada safaarada iyo Guddiga Jaaliyada ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay in ka badan 800 Qoys oo ka mid qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Malaysia.
Deeqdaan ayaa noqonayso deeq sanad walba xilligaan oo kale soo gaarta Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia, iyadoo ugu timi safaarada Somaliyeed ee wadanka Malaysia. Waxayna ku soo aadaysaa iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaan oo ah bil ay bulshada Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiyaan kuwooda jilicsan.
Safiirka safaarada Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia Ambassador Abukar Abdi Osman ayaa mar uu ka hadlayay munasabada deeqda lagu gudoonsiinayay qoysaska Soomaaliyeed wuxuu balan qaaday in aysan noqon doonin deeqdii ugu danbaysay, balse ay noqon doonto mid bilaw u ah oo inta lagu jiro bisha barakaysan iyo wixii ka danbeeyaba ahaan doonto mid joogta ah, waxay ku qaatataba. Wuxuuna sidoo kale balan qaaday in uu si dhaw ugu war hayn doona baahiyaha gaarka ah ee muwadiniinta somaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia.
Mid ka mid ah hooyooyinka nasiibka u yeeshay in ay deeqda Gudooman maanta oo ka hadashay munasabada ayaa amaan iyo ducaba iskugu darday howlwadeenada safaarada oo uu ugu horeeyo Safiirka safaarada Mr Abukar Abdi Osman iyo dowladooda.
Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed Drs Mariam daaud ayaa ugu Mahad celisay safiirka doorkii Wacnaa uu ka Geestay sidii ay u rumoowi lahayd howshaan aan maanta u taganahay, waan ugu mahad celinaya Ambassador Abukar Abdi iyo howl wadeenada Safarada Dadaalkooda aan kala joogsiga lahayn.
Ma ahan Markii ugu horeeysay oo ay safaarada Soomaaliyeed Deeq raashin ah soo Gaarsiiso Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Malaysia Gaar ahaan xilliyada bisha barakaysan ee ramadaan, iyadoo hore deeqo iyo agab waxbarasho soo gaarsiin jirtay caruurta qaxootiga ah si ay waxbarasho u helaan.
Wadanka Malaysia ayaa marti galinaya Somali aad u badan oo ay ka mid yihiin qoysas ka diiwan gashan Hay’ada qaxooti Addunka ee UNHCR una baahan ka warqab joogta ah, Waxayna qaxootiga Soomaaliyeed ee ka midka ah qaxootiyada ka diiwan Gashan Hay’ada UNHCR ay ugu duwan yihiin kuwa kale in ay garab istaag buuxa ka helaan safaradooda oo il Gaar ah kula socota.