Dowladda Mareykanka ayaa maanta dib u billowday kaalmadii ay siin jirtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa ayna ku billowday hir-gelinta xarunta Saadka CXD ee gobolka Shabeellaha.
Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horreysay ee CXD ku yeeshaan meel ka baxsan Muqdisho, si weyna loo qalabeeyay ayaa waxa ay fududeyneysaa isu gudbidda saanadda ciidanka ee gobollada Koofureed, taas oo qeyb ka ah qorshaha Al-shabaab looga xoreynayo gobollada Koofureed ee dalka.
Dib-u-billaabidda kaalmada Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya ayaa ka dambeysay dib-u-habaynta ay dowladda Soomaaliya ku sameysay guud ahaan nidaamka ay ku shaqeeyaan ciidamada qalabka sida iyo diiwaan-gelinta casriga ee loo sameeyay, taas oo musuqii meesha ka saartay.
“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda Mareykana oo dadaalkeena oqoonsatay oggolaatayna inay caawinta ciidankeena dib-u-billowdo, †ayuu yiri wasiirka difaaca dalka, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe).
“Dadaal dheer oo aan galnay, kadib waxaan ciidankeena ka nadiifinnay nooc kasta oo musuq ah, taas oo keentay in aan aqonsannay nuuca caawin aan u baahannahay, isla markaana aan kasbanay aaminaadda bahwadaagteen.â€, ayuu raaciyay wasiirku.
“Maanta ciidankeena waxa uu la jaanqaadayaa ciidamada dowladaha waaweyn marka laga fiiriyo dhanka nidaamka, taas oo sahleysa tayeynta ciidanka iyo howlgallada lagula dagaalamayo cadowga,†ayuu wasiirku kusoo gebagebeeyay hadalkiisa.
Mareykanka ayaa joojiyay kaalmada uu CXDS siin jiray dayaaqadii sanadkii 2017, kadib markii la ogaaday musu maasuq baahsan ee ka jiray nidaamka ciidanka xoogga.