Booliska dalkaasi waxay bartooda Twitter-ka soo dhigeen magaca iyo sawirka Eedeysanaha toogashada ku dilay hal qof, kuna dhaawacay dhowr kale.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo dalka Turkiga, laguna magacaabo Gökman Tanis oo 37-jir ah.
Muuqaalka Eedeysanaha ayaa la sheegay in laga helay Kameeradda Qarsoon ee ku rakiban Tareenka uu rasaasta ku furay, wuxuuna ku baxsaday gaari cas oo noociisu ahaa Renault Clio, oo markii dambe la helay .
Dhinaca kale, Boolis fara badan ayaa isku gedaamay Dhismo Dabaqyo ah oo la rumeysan yahay inuu Eedeysanaha ku dhumaalaysanayo.
Madaxa Hay’adda La-dagaalanka Argagixisadda ee dalka Holland, Pieter-Jaap Aalbersberg waxa uu ku sheegay hadal-qoraal oo uu soo saaray in Heerka Khatarta ee Gobalka Utrecht la gaarsiiyey Heerka ugu sarreeya ee 5, wuxuuna xusay in Toogashadda u muuqato Weerar Argagixiso.