Xasan Sheekh Maxmuud Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya tan hadda jirta ka horeysay ayaa maanta booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalada Gudaha dalka turkiga.
Dadkaan uu baaqday ayaa ah kuwii ku dhaawacmay qarixii 14,kii Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa dhamaan tegay Isbitalada kala duwan ee dadkaasi ay ku jiraan si uu u ogaado xaaladooda Cafimaad.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa dhawaan tegay dalka turkiga isaga oo booqday Xarumaha lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qarixii Zoobe.
Xasan Sheekh ayaa ku dhowaaqay inuu ku dadaalidoono inuu si joogto ah uga warqabidoono dhaawacyada maadaama uu isagu degen yahay dalka Turkiga
Hoos Ka Daawo Sawirada Booqashada.