Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 4-Bisha September magaalada Accra ee dalka Ghana kaga qeyb galay Madasha Amniga iyo Nabadda ee Koofi Anaan (Kofi Annan peace and Security Forum, KAPSF).
Shirka ayaa waxaa looga hadlayay Wadaagidda waayo-aragnimada loo leeyahay ka hortagga kooxaha xagjirka ah,kuwaasi oo ka fuliyaan wadamada ay ka jiraan.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Tababarka Nabad Ilaaliyeyaasha Caalamka ee Koofi Anaan (Kofi Annan International Peacekeeping Training Center) ayaa Guddoomiyaha xisbiga UPD mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay wuxuu kaga hadlay waayo-aragnimada ay Soomaaliya u leedahay arimahaasi.
Dhinaca kale ka qeyb galeyaashii shirka ayaa aad usoo dhaweeyeen dadaalkii dheeraa ee ay Soomaaliya soo gashay, waxyaabihii u qabsoomay iyo kaalintii uu mudane Xasan Sheekh Maxamuud kasoo qaatay, ayadoona Shahaado sharaf la gudoonsiiyayÂ