Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay waxaa uu Madaxtooyadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb uu kulan kula qaatay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay safar shaqo waxaa uu ku joogay deegaanada Galmudug,isagoona safaro ku marayay deegaanada ku yaalla halkaasi.
Warar aan hlenay ayaa sheegaya in Kulanka uu Madaxweyne Xaaf la qaatay Mahad Salaad looga hadlay arrimo u badnaa is xog-wareysi ku aadan dhinaca deegaanka,hayeeshee ma jirto wax faah faahin ah oo Madaxtooyadda Galmudug ay ka bixisay kulankaas.