Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta Tallaado dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaas, kadib markii maalmihii la soo dhaafay oo ku sugnaa Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa Madaxweyne Waare iyo wafiga la socday waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka hIrshabeelle, Wasiiro iyo Xildhibaano.
Madaxweyne Waaere ayaa inta uu ka maqnaa Caasimadda Hirshabeelle ee Jwohar, waxaana uu Safaro kala duwan ku tegay Magaalooyinka Beledweyne Muqdisho iyo Nairobi Caasimadda ee Dalka Kenya.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa inta uu ku sugnaa Muqdisho iyo Nairobi waxaa uu kulamo la qaatay Madax kala duwan, isagoona kala hadlay arrimo ku aadan maamulkiisa.